Home
Photos
Blog
Links
Dhamaan halkan waxad ku arki doontaa fekredaha dhaliyarada reer Sanaag & S/land Iyo Qurbahaba
Home
premier league
                 Ku soo dhawoow web site-ka alldhalinyaro.zoomshare.com
Download Our Free Toolbar

websiteku dhismuu ku jiraa
The website is under construction

Welcome to Our Webite www.alldhalinyaro.zoomshare.com

                                  FARRIINTA MAAMULAHA  BOGGA

Dhammaan dhalinyarada iyo da'ayarta ku dhaqan Magaalada Ceergaabo iyo dalkoo dhan: SHARAF BAAD HUWAN TIHIIN...

Website-kan waxaa loo furay si uu ugu addeego dhalinyarada, uuna ugu fududeeyo isdhaafsiga afkaarta iyo kala qaadashada macluumaadka iyo wararka iyaga sida gaarka ah u khuseeya (youth forums).

 Intaa waxa dheer in website-kani uu yarayn karo iskhilaafka iyo ismaandhaafka ama fahamka khaldan ee la kala qaado oo keena cuqdad iyo uur-ku-taalo badan oo aan loo baahnayn. Kala-maan-duwanaanshahaas had iyo goor ka dhex dhaca faca soo korayaa cawaaqibka ama dhibaatooyinka xunxun oo ku keeno dhalinyarada khaasatan ardada waxa ka mida in ay ku heshiin waayaan xataa arrimaha ugu muhiimsan noloshooda, sida waxbarashada, taasoo keenta in ay ka dhex-dhacdo iska hor-imaadyo dhib u keena goobo waxbarasho oo muqadas ah sida khilaaf ka dhex dhaca arday wada dhigata fasal qudha (class challenge).

Arrimahaasoo oo kale waxay carqaladayaan dhinacyo kale oo ka mida xaal dhalinyaro sida; ciyaaraha, gurmadka samafalka, waxwada qabsiga xagga dakhli kordhinta iwm.

 

 Haddaba, wixii hadda laga bilaabo, ballanteenu waa websitekan dhalintu leedahay (inamo iyo hablaba ama gabdhaba).

 

 Isma dhaafno, nagu soo biira!

 

 Waa duqa dhalinyarada/

 Cali Axmed Cabdalle

 Website Manager.

Wixii fekrado ah nagala soo xidhiidha: alldhalinyaro@zoomshare.com

                          Ogaysiis

waxaa ka mamnuuca website-ka arrimaha soo socda

  • waxkasta ookeeni kara tafaraaruq iyo khilaaf badan
  • waxwalba oo tilmaamaya shakhsi weeraran (personal Attack) ama tilmaamaya cid gaara (specification)
  • Wixii ku lug leh guud ahaan arrimaha siyaasada
  • Wax kasta oo hurinaya khilaaf ku salaysan madhab, fikir ama ra'yi u gaara dhinac ka mida dhinacyada diinta ku murma ee dhamaan muslinka wada ah ama wax kasta oo horseedi kara kooxaysi diineed
  • wax kasta oo laga fahmi karo kala gur dhalinyaro (Grouping). iwm
  • wax kasta oo lid ku ah sharecada islaamka, dhaqanka umada ee suuban,anshaxa iyo asluubta guud ee bulshada (social decorum and code of conduct)
  • wax kasta oo la yaab, dareen-kicin iyo xaalad abuur keeni kara
  • wararka khuseeya arrimaha amniga iyo dhacdooyin ku lugta leh nabadgelyada iyo xasiloonida
  • Gebi ahaanba wax kasta oo ka baxsan danta dhallinyarada wax u kordhinaysa (Constructive), ee aan wax kala dhacayn (Destructive)
  • waana in dantaasi ay ahaato mid u badhax-tiran xaal dhalinyaro (plain Youth Issues)

---------------------------------------------------------------------------

                               www.alldhalinaro.zoomshare.com

                                IMPORTANT NOTICE

zoomshare forums - share your thoughts

Please search the forums BEFORE starting a new thread. Duplicate topics and spam will be deleted!


You are not logged in.


  Firefox with Google Toolbar | Get Firefox with Google Toolbar for better browsing

Forum rules

We are happy to provide the Forum for all zoomshare members to use. Please ensure that you have read and understand all rules. Failure to comply with the rules may result in termination of your message.

Keep the Forum a safe and pleasant place to visit!

Forum Rules:

1. By using the Forum, you agree to abide by all rules and zoomshare Terms of Service .

2. Use the Search Feature before posting. Your question may already be answered!

3. Typing in ALL CAPS or using large fonts is considered shouting. Use should be minimal and for expression only. Overuse may result in being banned from the Forum.

4. Be respectful of one another – including zoomshare staff, Administrators and Moderators! No flaming, no personal attacks, no defamatory or derogatory statements, no threats, no harassment, no name calling, no slander. If you think that this may apply to your message, don’t post it!

** Debates are encouraged as long as they remain respectful! But remember, everyone is entitled to their opinion – even if you don’t agree.**

5. We do NOT tolerate sexism, racism, ageism, homophobia, etc. The Forums are open to all users and we do not allow intolerance of others users culture, beliefs, lifestyle, gender, physical or mental statuses, etc.

6. Post only to the appropriate topic! If your post/question spans more than one topic, pick the most appropriate topic and stick with it. Inappropriate posts may be moved to the appropriate topic or deleted without notice.

7. Do not spam or post multiple messages with the same content.

8. Do not send questions that are covered within the Forums, Help and FAQs to administrators or moderators via PM or email. These questions may NOT receive a response.

9. At this time, all posts must be in Somali, Arabic(if accessible) and English.

10. NO copyrighted or trademarked material without permission from the owner. zoomshare will NOT be responsible for any litigation stemming from copyright or trademark infringement!

11. Keep it clean! Foul, crude and offensive language is not appropriate for the Forum. Keep those comments to yourself!

12. Please be patient. There may be times when your posts are not responded to immediately.

13. No criminal activity! You may not use the Forum to violate any local, state, national or international law. If you choose to do so, we will comply with any and all requests made by any law enforcement agencies. We will not be responsible for any damages incurred as a result of said activity.

14. No excessive marketing or advertising within the Forum. You may not excessively promote your business through the Forum. The Forum is NOT an advertising medium. Users found in violation will be banned.

15. We do not allow pyramid schemes, MLM, phishing, gifting schemes, etc. These violate our Terms of Service and will not be tolerated.

16. All decisions made by Administrators and Moderators are final.

Anyone who abuses the Forum will be banned and may have their zoomshare messages deleted (including your contact). There will be no refunds for accounts terminated because of a failure to follow the rules or violate our Terms of Service! You are not entitled to any damages as a result of a terminated contact.

Please remember, we require that you conduct yourself in a respectful manner to Zoomshare staff, moderators and all other Zoomshare users. You must comply with our Terms of Service at all times while participating in any Zoomshare activity. We reserve the right to delete any contact that is in violation of our Terms of Service. We also reserve the right to delete obscene, threatening or otherwise unsavory comments without notification.

Ali A. Abdulla
Webmaster


Board footer

Powered by alldhalinyaro

© Copyright 2002–2005 Ali A. Abdulla

--------------------------------------------------------------------------

 


                                       OGEYSIIS

 Machadka SCOOP ee Waxbarashada iyo Tababarka (SEAT) waa machad gaar loo leeyahay (private), kuna yaal magaalada Ceergaabo, agagaarka Masjidka Attaqwa ee ku dhow suuqa hilibka iyo khudrada (xaraashka) guud ee magaalada, Waana furan yahay laga bilaabo (01.04.06), ee hore u gaadh.

Fiiro gaar ah:

Furitaanka machadku dib buu u dhacay ilaa ogeysiin danbe.




                                                 NOTICE

 The 'SCOOP INSTITUTE FOR EDUCATION AND TRAINING (SEAT)'
  will  involve youth and other age learners, from diverse backgrounds, in an
  interactive learning environment that will enable them to broaden their
  perspective of the world, explore their interests and investigate new
  possibilities for the future.
 

 The institute is located beside the Erigavo Town main meat and vegetable market and is open as from 01.04.06.

 Hurry up to register!

N.B.:

The openning up of the School will be delayed until further announcement.

----------------------------------------------------------------------------------------------------------
                                                       
WARAR IYO QODOBO XIISO GAAR AH LEH OO KU SAABSAN TARTANKA KOOBKA ADDUNKA EE KUBADDA CAGTA

Last updated: 17.06.06 (6:20 P.M.)

     Sugitaankii dheeraa ee qaatay afarta sanno aakhirkii wuu dhamaaday, kooxihii koobka FIFA ee kubadda cagtana waxay ila tahay (wixii aan horreba isu arag) Alla isbad. Haddaba habeenadan waxay huu iyo haadu ka dhamaatay oo sharad isu dhiganayeey balaayiin taageerayaal ah oo ku kala nool daafaha adduunka. Tan kale, inkastoo koobka sannadkani yahay kii 18-naad oo keliya intii weligeed taariikhda la qabanayey koobka adduunka, haddana tartankani wuxu kasbaday maqaam la oran karo waa aabihii dhammaan noocyada ciyaaraha kala duwan ee ka jira adduunka, marka loo eego tirada daawadayaasha(goobjoog iyo qalabba) iyo sidoo kale marka la fiiriyo xiisaha gaarka ah ee loo hayo tartankan.

Halkan waxa inooga bilawday oo aad la socon doontaan - dhalinyarooy- qubane xiiso leh oo uu inoo soo ururiyey Maamulaha boggu...ee had iyo goor booqda boggiina...

===========================================================

                                           CIYAAR IYO SIYAASAD

Last updated: 18.06.06 (3:15 P.M.)

Kaiserslautern (weriyayaasha Tartanka):

                  Kulankii Xalay ee Talyaaniga iyo Maraykanka                                 Tartan kubbada cagta ah oo lagu tilmaamay ciyaar iyo legdan siyaasadeed oo is-huwan ayaa xalay (xilliga Geeska Africa, balse ay Jarmalka weli tahay maalinimadii Sabtida)wuxu ka dhacay garoonka Kaiserslautern ee dalka jarmalka. Ciyaartaas oo ay fooda isku dareen xulalka Maraykanka iyo Talyaaniga oo labadduba ka tirsan kooxda 5naad ee tartamadda koobka addunka ee kubadda cagta, si weynna isugu dhaarsanaa, balse aanu Talyaanigu fileyn siday wax ku dhamaadeen. Si kastaba ha ahaatee, waxa la yaabka lahaa ciyaartaasi intay socotay waxay ahayd xaaladda xiisadda ciyaareed iyo is-xushmayn la'aanta ah ee ka dhacday garoonka: siidhiwalihii (arbitrator or referee) ciyaarta oo u dhashay dalka Uruguay (fadlan sawirka hoos ka fiirso) ayaa saddex ciyaartooy ka eryey garoonka; qaybtii kowaad ee ciyaarta labada kooxoodba waxay ku dhamaysteen min (10) ciyaartooy, kadib markii Daniele De Rossi oo Talyaani ah iyo Pablo Mastroeni oo Maraykan ah laga saaray garoonka. Laakiin Talyaaniga oo la rabay in ay ka faaidaystaan hal-dheeridii ay ka heleen kaadhkii casaa ee daqiiqadii 47aad loo taagay ciyaartoyga Maraykanka ah ee la yiraahdo Eddie Pope oo ka ciyaara difaaca (defender), taasoo ka dhigtay Ameerikaanka la eryey labbo (2) Talyaanigana hal (1), arrintaasise ma dhicin oo Maraykanku waxay ugu babacdhigeen Talyaaniga sagaal ciyaartoy keliya. Jaraaidka Talyaanigu waxay ku tilmaameen ciyaartoygooda shalay ka horjeedey maraykanka in ay kusugnaayeen xaalad wareer iyo cadho leh (confusion and nervous), sida ay tibaaxday jariidada Corriere dello Sport ee ka soo baxda cariga Talyaaniga. Calaa kulli xaal, ciyaartii waxay ku dhamaatay gool iyo gool ay barbardhac ku noqdeen laba kooxood oo aan isku khibrad iyo sumcad toonna ahayn. goolasha waxa kala dhaliyey Alberto Gilardino iyo Cristian Zaccardo oo labadduba ka tirsan kooxda Talyaaniga!! balse ciyaartoyga danbe oo ahaa difaaca Talyaaniga ayaa kubbad khalad ah goolkoodii shabagiisa ku ruxay, taasoo Maraykanku kula bareejeeyey Talyaaniga doc walba u laadaya!!. Hadal iyo dhammaan, ciyaartii xalay waxa lagu tilmaamay mahrajaan waraaqaha digniinta iyo casaanku ay ku bateen garoonka .. ama sida dadka qaar yiraahdeen caasifad kubadeed oo saxmad badan... anna waxaan iri: waa sidaasoo tartankiiba bilaw yahay "ciyaaro!"

Diyaariye: Cali Axmed Cabdalle. 

 

Waa kooxdii talyaaniga qaarkeed oo ciyaarta ka qayb galay.

 

 


                                         

Waa garsoorihii(casaan) iyo qayb ka mid ah ciyaartoyga Talyaaniga (buluug) oo ku murmaya cayrinta mid ka mida kooxdooda.



                                  
 Waa garoonka magaalada Kaiserslautern ee Jarmalka ku taal ciyaartuna ka dhacday.

                                                            

Haddana waa isla garoonkii laftiisa...

                                   

Waa laba muuqaal oo ka mida isla magaalada Kaiserslautern ee dalka Jarmalka.
******************************************************************************************
****************************************************************************************

NASASHADA DHALINYARADA

 قل للطبيب تخطفته يد الردى يا شافي الأمراض من أرداك؟

قل للمريض نجا وعوفى بعدما عجزت فنون الطب.. من عافاك؟

قل للجنين يعيش معزولا بلا راع ومرعى ما الذي يرعاك؟

وإذا ترى الثعبان ينفث سمه فأسأله من ذا بالسموم حشاكا؟

وإذا ترى الجبل الأشم مناطحا قمم السحاب فسله من أرساكا؟

الله في كل العجائب مبدع إن لم تكن لتراه فهو يراكا؟

XXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXXX

                                                       In Yar oo Macaan

                                                            (Miscellenous)

- Saddex qof ayaa qalbi-jab ugu dhintay dalka Shiinaha intii uu socdey koobka addunka ee sannadkani. Arrintaasina waxay dhacday ka dib markii ay aad u laab-qaadmeen siday huu iyo haa-daa u hayeen oo indhaha ula raacayeen dhaqdhaqaaqyada tartanka ka socda garoonka
(Ninba si u dhimay!)

- Dadweynaha reer Urdun waxay tiradoodu korodhay saddex jibaar kontonkii sanno ee u danbeeyey
(Wiil iyo caano, nabad iyo caano)

- 420 malyan oo qof ayaa sita telefoonka gacanta lagu qaato ee (mobile)ka dalka Shiinaha oo keliya
(Waaba intaasoo juujaa ah!)

Daraasad laga soo saaray dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in hal koob oo shaah kulul ah oo lagu qasay qubka (galka sare) ee liin dhanaanta oo la cabbo maalin walba uu qofka ka difaaci karo kansarka ku dhaca maqaarka (skin cancer)
(Macaankay kaga dareen!)

- Yurubna dadkeeda qaangaadhka ah saddexdii qofba qof ayaan aqoon u lahayn kombiyuutarka

(Reer Yurubkiina way ka madowdahay!).

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

 
Waa gool ka mida ciyaarihii Axaddii (25.06.06) la ciyaaray
 
 

 

Waa kooxdii Maraykanka oo balamaysa kahor ciyaartii ay la yeesheen
 Gana.
##########################################################
 
Hagaag! bal xagga lacagtana - iyada waaba illownee bal iyana an yar jaleecno!!

- Daraasad dhowaan la baahiyey waxa lagu sheegay sannadkan 2006 -da dadka u dhashay dalka Imaaraadka Carabta ee haysta malaayinka doolar oo ah lacagta Maraykanka  in ay yihiin (59)  malyaneer ama malyandheer..  yacni waa limidhidh  (limited!)

 Isla arrintaa qudheeda , waxa la sheegay in dalka Sacuudiga ay iyana gaadhayaan dadkaa malyanlayaasha ahi (80) qof.

Labadaa qodobba waxa baahiyay telefishanka ALARABIA ee fadhigisu yahay Dubai- U.A.E

- Waayahay!, dhan kale haddana u jiifi;

* Dadka u dhashay guud ahaan dalalka Khaliijka carabta ee ilaa  hadda  la ogyahay in ay boqasho  temeshle ah ku tageen dalalka Yurub waxay gaarayaan hal milyan oo qof, sida ay sheegtay warbixin dhowaan la soo saaray.

 *Muwaadiniinta u dhashay isla dalalkaa Khaliijku waxay sanad walba ku bixiyaan dalxiiska ay ku tagaan meelo ka baxsan dalalka Carabta adduun dhan (30) kun oo malyuun oo Doolarka Maraykanka ah. dalkii keli ah ee Khalijka ahina dadkiisu waxay ku bixiyaan isla dalxiiska  meelahaa Carabta ka baxsan ku tegeyaan lacag dhan hal (1) bilyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Labadaa qodob ee danbena waxa baahiyay telefishanka AL-RAAY ee ku yaal Ku.wait
&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&&
Ooraydh! (Oh! right!); waynagee beryahan yar nasanee, haddana an ciyaarihii ku noqono:
Allah! Allah!Allah! Allah! Allah! Allah! intaynu yar hakanay baa cirkaa aysula baxay:

- Horta an xoogaa dib u noqonee;

                    Italy vs Australia

 ^  Maalintii Isniinta ee 26.06.2006, abaarahaa saacadda wadanka jarmalku markay ahayd 4:00 galabnimo, waxa ciyaar is rebreebka Koobka Adduunka ka tirsani uga bilaabantay halkaa xulalka Talyaaniga iyo Ustareeliya.


site  zoomshare